Saraakiil ciidan oo lagu toogtay Somaliland

Image caption Saraakiisha ayaa lagu toogtay xero ciidan oo ku taalla Borama

Wararka ka imanya magaalada Borama ayaa sheegaya in barqadii maanta nin askari ah uu toogtay taliyaha aagga galbeed ee milateriga Somaliland, gashaalne sare Xasan Caqli iyo xiddigle Faarax Carraale.

Gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa BBC-da u xaqiijiyay toogashadaasi.

Wuxuu gudoomiyuhu sheegay gaashhanle sare Xasan Caqli uu qabo dhaawac helis ah, haatana lagu daaweynayo cisbitaal ku yaalla magaalada Boorama, halka xiddigle Faarax Carraale uu goobta ku geeriyooday.

Gudoomiye Ramaax waxa uu intaa ku daray in askariga toogtay saraakiishan oo ku sugnaa xerada milateriga ee magaalada Boorama markiiba la qabtay oo uu hadda xiran yahay.

Waa sarkaalkii afaraad ee ka tirsan ciidammada Somaliland oo labadii sano ee u danbeeyay ay toogtaan askar ay u talinayeen.