Khilaafka siyaasadeed ee Guinea Bissau

Madaxweynaha Guinea Bissau, Jose Mario Vaz, ayaa kala diray dowladda kaddib markii uu khilaaf soo kala dhexagalay isaga iyo ra'iisul wasaare Domingos Pereira.

Labada mas'uul ayaa la sheegay inay isku khilaafeen dhowr arrimood oo ay ku jirto isticmaalka lacagaha gargaarka iyo soo celinta taliyaha ciidamada Guinea Bissau. Hadal Tv-ga laga sii dayay ayuu Mr Vaz ku yiri, in isku shaandheyn fudud aysan ku filneyn inay xaliso dhibaatada.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay hoggaamiyayaasha siyaasadda inay wadahadal bilaabaan.

Gumeystahoodii hore ee Portugal ayaa horay uga digay in gargaarka horumarinta uu qatar ku jiro hadii wadanku galo xasilooni darro.