Muusikada oo "yareeysa" xanuunka bukaanka

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Takhtaraddan Catherine Meads waxay sheegtay in musig uu ka caawiyay inay dhaqso soo kabsato qalliin kaddib

Saynasyahano ayaa baaritaan ku ogaaday in dhagaysiga Muusikada ee bukaanada la qalayo uu ka caawin karo in walwalka iyo xanuunka uu ka yaraado.

Baaritaankan cusub oo London laga sameeyey ayaa lagu sheegay in la ogaaday in dhagaysiga muusiga uu saamayn fiican u leeyahay bukaanka qalliinka ka hor iyo ka diba.

Cilmi-baarayashan waxay sheegeen in muusigga uu wax weyn u taro bukaanka marka la suuxinayo iyo kaddib markay ka soo kabanayaan kabuubyada jirkooda ku jirta.

Baarintaankan ayaa waxaa lagu sameeyay ilaa 7000 oo ruux.

Takhaatiirtan Jaamacadda Queen Mary ayaa sheegay in dadka muusigga dhageystay qalliinka ka hor ay horey u soo kabsadeen.

Waxaana haatan ay takhaatiirtu ka fakarayaan in bukaanka qalliinka laga codsado inay isbitaalka u soo qaataan cajalladaha heesaha ay jecel yihiin.