Kumanaan dibadda ku hoyanaya Tianjin

Lahaanshaha sawirka xinhua

In ka badan saddex kun iyo bar ayaa ku hoyanaya hoyi' ku meel gaar ah magaalada dekadda Tianjin ee Shiinaha kaddib labo qarax oo xooggan oo burburiyay qeybo ka mid ah dhimso warshadeed.

Koox aqoon u leh kiimikada ayaa loo diray baqaarka oo ay ku keydsanaayeen kiimiko sun ah iyo gaas iyadoo dabdamiyayaasha ay weli la dagaalamayaan inay dabka xakameeyaan.

Qaraxayadasi ayaa dilay ugu yaraan konton ruux, waxayna sidoo kale dhaawaceen boqolaal kale.

Madaxweyne Xi Jinping ayaa sheegay in waxa sababay qaraxyada ay tahay in la ogaado.