Falastiini ku miirbeelay xabsi Israel

Maxbuus Falastiini ah oo ku jiray xabsi Israel, kaasi oo cuntada ka soonnaa ku dhawaad lixdan maalmood ayaa miirbeelay.

Muxamad Allaan ayaa cabashada xarigiisa u diiday inuu wax cuno, wuxuuna xirnaa sagaal bilood iyadoo aan wax eed ah lagu soo oogin.

Allaan oo lala xiriirinayo kooxda xagjiriinta ee Islamic Jihad ayaa lagu xiray qalabka lagu neefsado ee isbitaalka. Waxayna ku baaqeen shaqaalaha xuquuqda aadanaha ee Falastiin tallaabo deg deg ah oo lagu badbaadinayo noloshiisa.

Shaqaalaha xabsiga Israel ayaa lagu soo warramayaa inay beeniyeen codsi lagu sii deynayo oo la xiriira caafimaadkiisa oo sii xumaanaya.