Britain oo u digtay madaxda South Sudan

Image caption South Sudan ayaa muddo 20 bilood ah waxaa ka socday dagaal sokeeye

Britain ayaa sheegtay inay ka baaraan degayso xayiraado ay saarto hogaamiyeyaasha South Sudan, haddii ay ku guul darraystaan inay saxiixaan heshiis nabadeed wixii loo gaaro Isniinta.

Xukuumadda iyo fallaagada waxay labadaba sheegayaan inay adag tahay in la gaaro heshiis lagu soo afjarayo xiisadda 20-ka bilood taagnayd.

Madaxweynaha South Sudan Salava Kiir ayaa sheegay inuusan ka qayb gali doonin shir madaxeedka nabadda ee ka dhacaya Itoobiya, uuna diri doono ku xigeenkiisa.

Saraakiil sare oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa fallaagada ayaa iyagana sheegay inaysan aqoonsanayn awoodda hogaamiyahooda Riek Machar, ayadoo sababtuna tahay inuu damacsan yahay inuu saxiixo heshiis awoodda lagu qaybsanayo.