Dad ku dhintay doon

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dad laga badbaadiyay xeebta.

Ciidanka badda ee Talyaaniga ayaa sheegay in ugu yaraan afartan qof ay ku dhinteen doon ay saarnaayeen Tahriibayaal oo maraysay badda Mediteraniyanka.

Wararka ayaa sheegaya in dadka loo malaynayo inay neefta ku dhegtay doon ay saarnaayeen ilaa afar boqol oo qof.

Ciidanka ayaa sheegay inay dadka ka badbaadiyeen xeebta u dhow Libya.