Jubaland oo dib u dooratay Axmed Islaan

Image caption Axmed Maxamed Islaan oo mar labaad la doortay.

Axmed Maxamed Islaan Madoobe ayaa ku guulaystay doorashada madaxweynenimada ee dowlad goboleedka Jubaland.

Baarlamaanka Jubaland ayaa maanta cod bixin ku doortay Axmed Maxamed Islaan inuu noqdo madaxweynaha gobolka Jubaland.

Wareegii hore ee doorashada ayaa Axmed Islaan uu helay 68 cod, halka labadii qof ee ku soo xigtay ay heleen laba cod Midkiiba.