Shaqaale dowlad oo lagu dilay Muqdisho

Lahaanshaha sawirka
Image caption Raxmo ayaa ahayd gabar jaamacad ka soo baxday.

Raxmo Maxamed Cabdulqaadir, oo ahayd shaqaale baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu dilay Muqdisho.

Raxmo ayaa niman hubaysan ay ku dileen magaalada dhexdeeda.

Raxmo, waxa ay ka mid ahayd gabdhaha ka soo baxay jaamacadaha waddanka ee shaqooyinka ka helay xafiisyada baarlamaanka dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Waxaa aad u soo badanaya Muqdisho dilalka loo gaysto shaqaalaha dowladda iyo rayadka.