Dacwad lagu oogayo taliyayaal Ciraaq

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ra'iisalwasaaraha Ciraaq oo jooga xero milatari galbeedka Baqdaad.

Baaritaan rasmi ah ayaa lagu helay in ra'iisalwaasaarihii hore ee Ciraaq, Nouri al Maliki, iyo in kabadan soddon masuuliyiin sare ee siyaasadeed iyo milatari inay masuul ka yihiin in Mosul ay gacanta u gasho mintidiinta Daacish.

Afhayeenka baarlamaanka Ciraaq ayaa sheegay in warbixinta gudiga baarlamaanka loo diri doono dacwad oogaha guud si loo qaado talaabo sharci.

Saacado ka hor ayaa ra'iisalwasaare Haider al Abadi, uu ogolaaday in maxkamad milatari lagu qaadayo taliyayaashii milatari oo ka tagay jagooyinkooda markii magaalada Ramadi ay gacanta u gashay Daacish bishii May.

Wuxuu kaloo sheegay ra'iisalwasaaraha Ciraaq in la jarayo 11 jagooyin madaxda sare si isbadalo loogu sameeyo dowladda.