Hiiraan: Deegaano Alshabaab ka walaacsan

Image caption Hiiraan

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dawladda ayaa isaga baxay deegaanka Halgan, oo u dheexeeya magaalooyinka Beledweyne iyo Buulo burde ee gobolka Hiraan kadib markii ay halkaasi ka qabsadeen todobaadkii hore kooxda Al-shabaab.

Lama oga sababta ay ciidamadu uga baxeen Halgan, hayeeshee odayaasha deegaanka oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in saraakiisha ciidamadu u sheegeen in ay duulaan ku yihiin dhulka hawdka ah ee ay Al-shabaab ku sugan yihiin.

Laakiin odayaasha ayaa walaac ka muujiyay in Al-shabaab dib ugu soo laabtaan deegaanka Halgan.

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Halgan ayaa sheegaya in unugyo ka tirsan Al-shabaab ay hadda galeen degmada, waxaana horey deegaanka uga barakacay intii badnayd dadkii halkaasi ku noolaa.