Sisi oo ansixiyay sharciyo argagixiso

Image caption Madaxweynaha Masar ayaa dagaal kula jira Islaamiyiin ka soo horjeeda.

Madaxweynaha Masar Cabdul Fitaax al- Sisi, ayaa ansixiyay talaabooyin adag oo looga hortagayo argagixisada si loo adkeeyoka hortaga qatarta islaamiyiinta mucaaradka.

Qofkii lagu helo inay sameeyeen koox argagixiso ama hogaaminaya ayaa wuxuu la kulmi doonaa dil ama xabsi waligood.

Dacwooyinka mintidiinta laga shakisan yahay ayaa si dhaqso ah loo qaadayaa.

Wariyayaasha sheega waxa ay dowladda qabto wax ka duwan ayaa la ganaaxi doonaa ilaa labaatan shan kun oo dollar.

Kooxaha xuquuqda bini'aadanka ayaa sheegay in sharciga loo isticmaali doono mucaaradka, xiritaanka mucaaradka iyo xayiraado dheeraad ah ee xoriyada hadalka.