Muqdisho:Kulan looga hadlay xuquuqda caruurta

Magaalada Muqdisho waxa maanta lagu qabtay kulan wacyigelin ah oo looga hadlayay ka warqabka xuquuqda carruurta iyo xadgudubyada ay la kulmaan oo ay ugu weyn tahay in aan la ilaalin xuquuqdooda.

Kulankan oo ay ka qayb galeen xubnaha urrurada bulshada rayidka ee magaalada Muqdisho ayaa lagu lafa guray heshiiska ku saabsan xuquuqda carruurta oo ay dhawaantan saxiixday dawladda Soomaaliya iyadoo lagu booriyay dawladda fulinta heshiiska caalamiga ah ee daryeelka carruurta.

Guddoomiyaha jilayaasha aan dawliga ahayn ee konfurta iyo bartamaha Soomaaliya Cabdullaahi Maxamad Shirwac uu sheegay in ujeedka ay ka leeyihiin shirarkan ay tahay in dadka la baro xuquuqda ay leeyhiin carruurta laguna booriyo in la ilaaliyo, iyo in dawladda lagala shaqeeyo gaar ahaan wasaaradaha ay khuseyso in la helo barnaamij ama qorshe cad oo lagu dhaqan galinayo heshiiska caalamiga ah ee xuquuqda carruurta ee ay dawladdu saxiixday.

Gudoomiye Shirwac ayaa sheegay in saxiixa heshiiskan ay ka dhasheen waajibaad ay tahay in si gaar ah ay ugutaan dawladda, maamullada gobolada iyo hogaamiyayaasha bulshada isagoo balan qaaday in ay kala shaqaynayaan dawladda sidii loo samayn lahaa siyaasado daryeelaya carruurta.

Waxa uu sheegay in dowladdu ay u qoondeeyso miisaaniyad guud sida daryeelka, waxbarashada, iyo caafimaadka.

Dawladda Soomaaliya ayaa sanadkii hore saxiixday heshiiska caalamiga ah ee xuquuqda carruurta taasoo ka macno ah in ay ilaaliso dhamaan xuquuqda heshiiskaasi siiyay carruurta Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ugu horeeya ee ay sida joogtada ah uga dhacaan xadgudubyada ka dhanka ah dhalaanka sida in la askareeyo, lagu shaqaysto, iyo in aan la daryeelin.