Go'aan laga gaaray doorasha Somaliland

Maxkamada sare ee distooriga Somaliland ayaa maanta soo afjartay murankii xilliga doorashooyinka Somaliland iyadoo maxkamaddu ku dhawaaqday in la qabto doorashada maadaxtooyada iyo baarllamaanka 28 bisha Maarso 2017.

Maxkamada waxa ay laashay heshiiskii saddexda xisbi ee Waddani, Kulmiye iyo Ucid ee dhigayay in doorashada la qabto December 2016.

Guddoomiyaha maxkamada sare garyaqaan Adam xaaji cali Axmed, oo ay hereero fadhiyaan toban garsoore ayaa fadhiga maanta kaga dhawaaqay go'aamada maxkamadu gaartay, kadib markii dhawaan madaxweynaha Somaliland uu u gudbiyay maxkamada inay muranka xilliga doorashada tafsiir ka bixiso.

Guddoomiyayaasha saddexda xisbi ee ka jira Somaliland oo maxkamada joogay maanta ayaa soo dhoweeyay go'aankan maxkamada sare.