S.Sudan:Mucaaradka oo eedeynaya dowladda

Mucaaradka Sudan-ta koofureed waxay ku eedeeyeen dowladda dalkaas inay dib u bilawday weerarradii milateri, maalin kaddib markii madaxweyne Salva Kiir uu doortay inuusan saxiixin heshiis nabadeed, oo loola jeeday in lagu soo afjaro dagaalka sokeeye.

Hoggaamiyaha mucaaradka, Riek Machar, oo isagu heshiiska ku saxiixay magaalada Addis Ababa, waxaa uu sheegay in dowladda Juba ay nabadda ka dooratay dagaal.