Yaa ku guuleystay doorashadii Sri Lanka

Ra'iisal wasaaraha xilka haya ee dalka Sri Lanka, Ranil Wickremesinghe, ayaa waxaa uu sheegtay inuu ku guulaystay doorashadii baarlamaanka jasiiraddaas, taas oo soo afjaraysa rajadii madaxweynihii hore ee dalkaas, Mahinda Rajapaksa, uu ka qabay inuu noqdo ra'iisal wasaaraha cusub.

Iyadoo ay natiijooyinku weli soo xaroonayaan, ayaa xisbiga Mr Wickremesinghe ee Midnimada Qaranka waxaa uu u muuqdaa inuu ku guulaystay kuraasta baarlamaanka tiro wax yar ka hooseysa inay aqlabiyad guud dalka ku xukumaan.