Amnesty oo eedeysay kooxaha ku dagaalamaya Yemen

Lahaanshaha sawirka Reuters

Kooxda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International,ayaa sheegeysa in kooxaha isku haya dalka Yemen, ay suuragal tahay in ay galeen dambiya dagaal oo si ula kac ah u bartilmaameedsadeen meelaha ay ku badan yihiin dadka rayidka ah.

Amnesty ayaa sheegeysa in ay diiwaan gelisay boqolaal kiisas oo ah in haween,caruur iyo rag lagu dilay ama lagu dhaawacay iyaga oo jooga guryahooda.

Waxa ay hay’addu ku eedeynaysaa xulufada uu horkacayo Sacuudiga in si sharci dara ah ay ugu qaadeen weeraro cirka ah goobaha ay dagan yihiin shacabka, halka falaagada Xutiyiinta iyo kooxaha la jira ay iyaguna si aan kala sooc laheyn ay u isticmaaleen hub culus.