Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Daawo: Buug biyaha fiiltareeya

Saynisyahanada Maraykanka ayaa soo saaray waraaqo buug laga dhigay oo biyaha filtareeya, sidii loo isticaali lahaa ayaa waraaqaha ku qoran.

Waxaad u baahan tahay oo kaliya inaad jeexdid baalka buuga, kadibna aad biyaha ku fiiltaraysid.

Ilaa afar milyan oo qof ayaa sanad walba u dhinta biyo aan nadiif ahayn oo ay cabeen. Dadka dhinta badankood ayaa caruur ah.