Tirada tahriibayaasha oo sare u kacday

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Tirada ugu badan ee dadkan waxay ka tageen dalka Suuriya

Tirada dadka soo galootiga ee ku qulqulaya qaaradda Yurub ayaa illaa Bishii July sare u kacay, waxayna gaartay 170 kun oo qof oo jidad qaldan ku galay Yurub.

In kabadan 40 kun oo qof ayaa bishii June halkaasi gaaray, taas oo ka badan tirooyiinkii horey loo diiwaan geliyay.

Laanta koontorollada xuduudaha midowga Yurub ayaa sheegtay in xaalad degdeg ah ay arrintan tahay, waxayna ku baaqday in si dhaqso ah loo caawiyo dalalka safaka hore ku yaalla, sida Giriigga, Taliyaaniga iyo Hungary.

Jarmalka oo tirada ugu badan ee dadkaasi qaabishay ayaa waxaa sare u kacay dadka ay sanadkan oo keli ah megengelyada siisay, taas oo gaartay 750 kun oo qof.

Dadka ugu badan ee tahriibaya oo ka kala tagay, Suuriya, Afghanistan iyo dalalka Afrika ee Saxaaraha ka hooseeya waxay ka cararayaan faqri ama nabad la’aanta.