Xiisadda qaxootiga Yurub

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Tirada muhaajiriinta ee xuduudaha Midowga Yurub ayaa gaaray tiradii ugu badneyd July, taasi oo ah 107,500 sida ay sheegeen mas'uuiyiinta, iyadoo codsiyo badan oo magangalyo doon ah laga soo sheegay Jermalka.

Jarmalka ayey mowjado muhaajiriin ka yimid Syria iyo Balkans gaareen, wuxuuna hadda sheegayaa inuu martigelin karo sanadkan 750,000 oo magangalyo doon ah.

Midowga Yurub ayaa isku dayaya sidii ay wax uga qaban lahaayeen muhaajiriinta bilihii dhawaa yimid. Faransiiska iyo UK ayaa sheegay inay saxiixayaan heshiis ay wax uga qabanayaan xiisadda ka taagan Calais.

Muhaajiriinta Yurub

Tirada soo gasha

100,000

Tirada muhaajiriinta Yurub oo dhaafay

  • 450,000 Jarmalka oo horay u saadaaliyay

  • 650000 Jarmalka oo hadda filaya

Xagaagii ayey kumaankun muhaajiriin ah oo doonaya inay UK kaga soo galaan halka loo yaqaano "Channel Tunnel", ka dhisteen teendhooyin meel u dhaw magaalada waqooyiga Faransiiska.

Horraantii August ayey UK ballanqaaday 10milyan oo Euro ah si loogu ilaaliyo dekadda Calais.

Dowladda Jermalka ayaa horay u saadaalisay inay imaanayaan muhaajiriin gaaraya 450,000 sanadka 2015ka, balse hadda ay tahay inay kordhiso tiradaasi oo ay gaarsiiso 650,000 ama ka badan.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Madaxa UNHCR, Antonio Guterres, ayaa sheegay in ay tahay in Yurub ay culeyska qaxootiga wadaagto.

Xadka Koonfureed ee Hungary ayaa ah geeska dhulka sida xorta loogu safri karo basaaboorada Schengen, waana halka ay muhaajiriinta doonayaan inay Midowga Yurub ka soo galaan.

Dowladda Hungary ayaa sheegtay inay u direyso kumaankun boolis ah oo ilaalaya xadka ay Serbia la leedahay.

Giriigga ayaa ah goobta ugu weyn ay yimaadaan muhaajiriinta doonayo inay gaaraan Yurub.

Wariha BBC-da ee Berlin, Jenny Hill, ayaa ku soo warrantay mutadawaciin kaalmeynaya muhaajiriinta