Thailand oo raadineysa nin ka muuqday CCTV

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Ubaxyo ayaa la dhigay goobta uu weerarka ka dhacay

Booliska dalka Thailand waxa ay raadinayaan nin ka soo muuqday kaamirada amniga ee CCTV, kaas oo boorso kaga tagay bartamaha magaalada Bankok oo uu qarax ka dhacay.

Inkabadan 20 qof ayaa qaraxaasi, oo ka dhacay meel la sheegay inay barakeysan tahay, ku dhimatay.

Fiidiyow la baahiyay ayaa waxaa ka muuqda wiil dhallinyaro ah oo timo madow oo badan leh, fanaanad jaalle ahna xiran, uu si tartiib ah u galay dhismaha, isla markiina waxa uu bixiyay boorsada uu watay ka hor intuusan meesha ka bixin.

Maamulka dalkaasi ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in qarax labaad oo Talaadadii ka dhacay meel basaska dalxiisayaasha istaagaan lala xiriirinayo midkan.

Bara-koontoroollo ayaa ciidamada iyo booliska ay ka sameysteen gudaha caasimadda, iyagoo ninkaasi raadinaya.