Qarax dilay 8 ciidamada Turkiga

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Xabado ayaa dhaawacay boliis meel u dhow xafiiska ra'iisalwasaaraha Turkiga ee Dolmabahce.

Siddeed Ciidamada Turkiga ayaa lagu dilay qarax bambaano jidka la dhigay koon fur bari waddanka.

Ma jiro koox sheegatay weerarka oo ka dhacay Siirt, laakiin ciidamada ammaanka ayaa ku eedeeyay weerarka mucaaradka PKK.

Weerarka ayaa yimid iyadoo dagaal cusub uu ka dhaxeeyo PKK iyo ciidamada ammaanka ee Turkiga.

Tobanaan qof ayaa dhintay tan iyo intii xabadjoojinta la jabiyay bishii July.

Horaantii xabado ayaa laga maqlay xafiiska ra'iisalwasaaraha agtiisa. Boliiska Turkiga ayaa sheegay in hal boliis uu dhaawacmay laba nina la xiray.