Britain oo safaaradeeda Tehran fureysa

Waxaa lagu soo warramayaa in Britan ay todobaadkan dib u furi doonta safaraadeeda magaalada Tehran ee dalka Iran.

Waxaa la xiray sanadkii 2011kii kaddib markii ay buuxiyeen, koox Iran ah oo mudaharadeysay dhismaha safaaradda iyo mid kale oo diblomaasiyiintu lahaayeen oo magaalada ku yiil, waxayna qaateen wixii dukuminti ahaa ee yiilay xafiisyada.

Britain ayaa xirtay safaaradda Iran ee London iyadoo ka jawaabeysay taasna waxay cayrisay diblomaasiyiintii Iran.

Ma jiraan xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan dib u furista safaaradda Britain ee Tehran oo ka timid labada dowladood.

Bishii hore ayuu xoghayaha arrimaha dibadda Britain, Philip Hammond, ka hadlay rajadiisa in la furo safaradda Britain ee Tehran, markii Iran ay barnaamijkeeda Nukleerka kala heshiisay lixda quwadood ee dunida.