Qaraxyo ka dhacay magaalada Qaahira

Lahaanshaha sawirka
Image caption Qaraxyada ayaa Qaahira ku soo noqnoqday, waxaana lala eegtaa ciidamada

Warbaahinta dowladda Masar ayaa waxa ay sheegtay in seddax bam ay ku qarxeen meel u dhow dhismo ay ciidamada amnigu leeyihiin.

Qaraxyada waxa ay ka dheceen duleedka magaalada Qaahira ee caasimadda dalkaasi.

Dhawaqa mid ka mid ah qaraxyada waxaa laga maqlay qeybo badan oo magaalada Qaahira ka mid ah.

Wararka hordhaca ah ayaa waxa ay sheegayaan in lix qof ay ku dhaawacmeen qaraxyada.

Howlaha gurmadka degdegga ah ayaa nawaaxiga uu qaraxa ka dhacay ka socda.

Qaraxyadan waxay noqonayaan kuwii ugu dambeeyay eel ala eegto xoogagga amniga ee Masar oo dhowaanahan lagu qaaday weeraro isxigxiga.

Majirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, laakiin muqaawada gacanka Siinaay ee xiriirka la leh Daacish ayaa go’aan ku gaartay siiwadidda weeraraada ka dhanka ah ciidamada amniga Suuriya.