Maxbuus Falastiini ah oo 60 maalin kadib afuray

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Hooyada dhashay maxbuuska Falastiiniga ah ee hadda Maxkamadda siidaysay

Maxbuus Falastiini ah oo cuntada ka soomay ayaa hadda afuray kaddib markii maxkamadda saree e Israa’iil ay amartay siideyntiisa.

Waxaa la sheegayaa in xaaladdiisa caafimaad ay aad u liidato, maadaama uusan cunto cunin in muddo ah.

Maxamed Calaan ayaa waxa uu diiday raashiinka oo uusan cunin in kabadan 60 maalin, asigoo ka careysnaa in sagaal bilood uu xirnaa dacwad la’aan.

Go’aanka maxkamadda ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo madaxa arrimaha siyaasadda ee Qaramada Midoobey uu ka digay in qalalaasaha Israa’iil iyo Falastiin uu kasii daro.

Waxa uu tilmaamay in go’aanka Israa’iil ee ah dheereynta xarigga aan la amrin iyo tallaabooyiinka kale ee adag inay xaaladda sii cakirayaan.

Madaxa arrimaha siyaasadda ee UN ayaa sidoo kale tilmaamay in ficillada qaar ee Israa’iil ay halis ku yihiin xaaladaha xuquuqda aadanaha.