US oo dooneyso in la cunna qabateeyo S Sudan

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dhinacyada isku haya dalkaasi ayaa Isniintii waxa ay isugu tageen Addis Ababa.

Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay Qaramada Midoobey u gudbisay qoraal qabyo ah oo la xiriira hubka dalka Koofurta Sudan, kaddib markii madaxweynaha dalkaasi Salva Kiir uu diiday inuu saxiixo heshiiska nabadda.

Heshiiskan ayaa looga golleeyahay in lagu soo afjaro colaadda 20ka bilk a taagan dalkaasi, ee u dhexeyso mucaaradka uu hogaaminayo Riek Machar iyo Madaxweyne Salva Kiir.

Mr Machar waaa uu saxiixay heshiiska laakiin Mr Kiir ayaa dalbaday maalmo dheeraad ah oo wadatashi.

Golaha amniga ee Qaramada Midoobey ayaa lix saraakiil ciidan ah ku dartay liiska dadka la cunna qabateeyay. Seddax ka mid ah waxay ka tirsan yihiin dhanka dowladda, seddaxna dhanka mucaaradka.

Laakiin golaha amniga xilligaasi maysan dooneyn in cunna qabateyn dheeraad ah la saare Koofurta Sudan.