Sierra Leone oo abaalmarin $1,000 bixinaysa

Dowladda Sierra Leone ayaa waxa ay soo bandhigtay abaalmarin gaaraysa $1,000 (£640) oo la siiyo ciddii keenta xog lagu soo qaban karo burcad looga shakisan yahay in ay kufsadeen misana dileen gabar.

Maydka Hannah Bockarie, oo aheyd gabar ka shaqeynaysay galmada, ayaa wxaa todobaadkii hore laga helay xeeb ku taal caasimadda Freetown, iyadoo weliba afka ciid looga buuxiyay.

Weriyaha BBC ee Freetown ayaa sheegay in dad badan ay ka naxeen kaddib markii ay sawirrada maydka gabadhaasi ku arkeen baraha ay bulshada ku wada xiriirto.

Olole dhanka online-ka ah ayaa la bilaabay iyadoo la isticmaalayo hashtag-ga #Iamhannah.

Tacsida ayaa waxaa ka qeyb qaatay haween u dooda xuquuqda bini’aadamka, waalidiinta Ms Bockarie iyo saraakiil ka tirsan dowladda iyo Qaramada Midoobay.

Ilaa iyo hadda ma ay jirto cid loo soo qabtay dhacdada dilka ah, iyadoo booliskana aanay weli soo gebagabayn baaritaanka ay ku hayaan maydka gabadha.