CAR: Rabsho dhexmartay Muslimiin iyo Masiixiyiin

Image caption Tani iyo 2013kii dalkaasi waxaa ka jiro dagaal u dhexeeya Muslimiinta iyo masiixiyiinta

Toban qof ayaa ku dhimatay isku dhacyo dhexmaray dad Muslimiin ah iyo Masiixiyiinta Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Qalalaasaha waxa la sheegayaa inay bilowdeen markii wiil dhallinyaro Muslim ah ay dileen xubno ka mid ah kooxda Masiixiyiinta ee Anti-Balaka.

Weerarka wiilkaasi lagu dilay ayaa waxa uu ka dhacay gobolka bartamaha dalkaasi ee Bambari.

Kooxda Muslimiinta ee Seleka ayaa weerar aargudasho ah ku qaaday Masiixiyiinta.

Afgembi dalkaasi ka dhacay 2013kii waxa uu sababay in Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ay ka bilowdaan dagaallo u dhexeeya kooxo Muslimiin iyo masiixiyiin kala ah, taas oo sababtay in kumannaan qof ay dhintaan.