Talyaaniga oo badbaadinaya doomo

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Maraakiibta ilaalada xeebaha ee Talyaaniga.

Ilaalada badaha ee Talyaaniga ayaa sheegay inay xiriirinayaan badbaadinta ilaa saddex kun oo tahriibayaal oo saaran doomo biyaha Libya.

Siddeed iyo toban doomo yar yar ayaa soo diray fariin inay u baahan yihiin gargaar. Dhowr maraakiib aya aku howlan badbaadinta.

Badda u dhaxaysa Libya iyo Talyaaniga ayaa noqotay meel ay soo maraan dadka Yurub imaanaya ee ka yimid Bariga Dhexe iyo Afrika.