Qarax ka dhacay Kismaayo

Image caption Kismaayo

Qaraxa ayaa ka dhacay xerada tababarka ciidamada ee Kismaayo. Weerarka oo dhacay subaxnimadii hore ayaa qof gaari isku qarxiyay markuu xerada soo galay.

Dhimashada qaraxa ayaa la sheegayaa inay gaarayso ilaa afar iyo toban qof, halka dhaawacana uu gaarayo ilaa lix.

Xerada ayaa ahaan jirtay Jaamacadii Kismaayo, intaysan ciidamada saldhig ka dhigan.