Qarax ka dhacay Muqdisho

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Qarax Bomb oo hada ka hor ka dhacay Muqdisho.

Ugu yaraan afar ayaa ku dhimatay lixna waa dhaawac qarax ka dhacay isgoyska Juba. Baabuur jidka la dhigay ayaa qarxay bartamaha magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay iyo dhaawaca ayaa rayad ah. Waa qaraxii labaad ee dhacay maanta, horaantii ayaa qof gaari isku qarxiyay xero tababar milatari ee magaalada Kismaayo.

Waxaa ku dhintay weerarkaas ilaa afar iyo toban qof.