Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maydadka Dhallinyaro laga helay gudaha Kenya

Meydadka saddex dhalinyaro ah oo jirdil ka muuqdo, lana rumeysan yahay in ay Soomaali yihiin, ayaa laga helay webiga Muranga ee mara bartamaha Kenya.

In muddo ahba waxaa jiray dhallinyaro badan oo lala'aa oo aan la ogeyn meesha ay ku dambeeyeen.

Eheladoodana dhallinyaradaasi ayaa waxa ay sheegeen in ay wateen rag boolis isku sheegay.

Qaar ka mid ah siyaasiyiin gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa dowladda ka dalbanaya in ay caddeeyso qaabka ay dhalinyaradaasi ku dhinteen, iyo halka ay jiraan kuwa maqan.

Xildhibaan Cabdikadir Oorre Axmed, waa mudanaha laga soo doorto Galbeedka Wajeer, Faarax Lamaane ayuu u warramay.