Mudaaharaadyo ka socda Beirut

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dadka ayaa ka cabanaya shaqo la'aan, koronto la'aan, biyo la'aan iyo musuqmaasuq keenay adeeg la'aan.

Ciidamada ammaanka ee Lebanon ayaa ku furay biyaha dadka kala erya dad ku mudaaharaadayay bartamaha Beirut.

Dadka mudaaharaadaya ayaa toddobaadyo ka banaanbaxayay adeeg la'aan, iyo qashin ka buuxsamay jidka magaalo madaxda Lebanon ee Beirut.

Dadka banaanbaxaya ayaa dowladda ku eedeynaya musuqmaasuq iyo inaysan shaqada qaban karin, markii dhulkii lagu duugi jiray qashinka uu buuxsamay iyadoo mid kale aan la samayn.

Dad badan oo banaanbaxaya ayaa codsanaya inuu Ra'iisalwasaaraha Tammam Salam is casilo.

Ra'iisalwasaaraha ayaa balanqaaday inuu talaabo ka qaadi doono boliis isticmaalay xoog badan, si ay u kala eryaan dadka mudaaharaadaya horaantii.