Mushaar u kordhinta macalimiinta Kenya

Image caption Maxkamad Kenya.

Macalimiinta iskuulada Kenya ayaa loo kordhin doonaa lacagtooda ilaa lixdan boqolkiiba kadib markay maxkamada sare go'aan ku gaartay.

Dowladda ayaa ku dooday inaysan awoodin inay siiso lacag dheeraad ah labada boqol ee kun ee macalimiin.

laakiin kadib talaabo sharci oo mudo dheer socday, maxkamada ayaa diiday codsiga dowladda.

Macalimiinta ayaa ku hanjabay inay samaynayaan shaqo joojin hadii aan lacagta loo kordhin.

Waxay ka cabanayaan inay qaataan mishaar yar, iyagoo qaar qaata hal boqol oo dollar oo kaliya bishii.