Saamiyada Shiinaha oo hoos usii dhacay

Lahaanshaha sawirka
Image caption Suuqyada saamiyada Shiinaha ayaa hoos u dhacooda waxa uu walaac ku dhaliyay maalgashatada caalamka.

Suuqyada saamiyada ee Shiinaha ayaa maantii labaad hoos u dhacay, ayadoo walaac xooggan laga qabo dhaqaalaha gaabiska ku socda ee dalkaasi.

Shanghai Composite, oo ah suuqa saamiyada ee ugu weyn Shiinaha, ayaa khasaaray boqolkiiba todobo dhibic lix, halka Isniintiina uu khasaaray boqolkiiba sideed dhibic shan.

Waa hoos u dhicii ugu xumaa ee ay sameeyaan suuqyada Shiinaha tan iyo sanadkii 2007-da, waxaana uu saameeyay suuqyada Mareykanka iyo Yurub.

Hoos u dhaca ayaa sidoo kale saameeyay suuqa ugu weyn Japan ee Nikkei index, waxaana uu khasaaray boqolkiiba afar.

Kaddib sanado uu si xowli ah u kobcayay dhaqaalaha Shiinaha, ayaa hadda waxa uu bilaabay inuu yareeyo korniinka.

Arrintaasi ayaa walwal ku dhalisay maalgashatada ku tiirsan dalabaadka Shiinaha, oo ah dalka labaad ee ugu dhaqaalaha weyn caalamka.