Shan iyo toban ku dhimatay Gedo

Lahaanshaha sawirka
Image caption Ciidamada Soomaaliya.

Ugu yaraan shan iyo toban qof ayaa ku dhimatay dagaal ciidamada dawladda iyo Alshabaab ku dhex maray gobolka Gedo ee koonfur galbeed Soomaaliya.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah gudoomiye ku xigeenkii Baladxaawo iyo taliyihii saldhiga Dooloow.

Dhaawaca labada dhinac ayaa gaaraya ugu yaraan labaatan.

Dagaalka ayaa ka dhacay degmada Libaaxlow oo u dhow tuulo Barwaaqo oo u dhaxaysa Garbarhaareey iyo Beledxaawo.

Dhinaca kale, waxaa Beledwayne lagu dilay nabadoon Cumar Shiiq. Dhowr nabadoon ayaa horay loogu dilay magaalada.