Laba wariye ayaa lagu toogtay Virginia

Image caption Wariyayaasha la dilay.

Laba wariye ayaa lagu toogtay gobolka Virginia ee Maraykanka, iyagoo si toos ah waraysi u siinaya telefishinka.

Alison Parker iyo Adam Ward, oo ah wariye iyo sawir qaade telefishin ayaa u shaqaynayay telefishin la shaqeeya CBC ee magaalada Moneta ee Bedford County.

Boliiska gobolka Virginia ayaa sheegay ninkii dilay wariyayaasha, Vester Lee Flanagan, inuu is dilay isagoo boliiiska ay cayrsanayaan dhowr saacadood kadib.

Vester ayaa horay uga shaqayn jiray telefishinka uu weeraray. Wuxuu dilay Alison Parker iyo Adam Ward iyagoo waraysanaya Vicki Gardner oo ganacsato ah oo dhaawac culus uu gaaray.

.