Maydadka tahriibayaal laga helay Austria

Lahaanshaha sawirka
Image caption Waxaa hadda la raadinayaa dareewalkii Gaariga laga helay maydadka

Maamulka dalka Austria waxa ay xaqiijiyeen inay heleen maydad ka tobannaan qof oo tahriibayaal ah.

Maydadka oo saarnaa gaari nooca xamuulka qaada ah ayaa laga helay meel cidlo ah oo ka tirsan gobolka Burgenland ee bariga dalka Austria, halkaas oo ku dhow xuduuda Hungari.

Booliska dalkaasi waxa ay sheegayaan 20 iyo 50 mayd ay ka soo saareen gaariga oo uu ku xiran yahay qaboojiye.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi, Johanna Mikl-Leitner, ayaa tilmaamay in musiibadan ay markale tusineyso sida loogu baahan yahay in Yurub ay shuruuc lagu difaacayo dadka soo galootiga ah loogana hortagyo dadka dhibaateeya in la sameeyo.

Gaariga maydadka laga helay waxaa uu ka diiwaan gashan yahay dalka Hungari, xukuumadda Budapest waxa ay sheegtay in maamulka Austria ay kala shaqeynayaan sidii loosoo qaban lahaa dareewalkii gaariga.

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Tahriibayaasha ugu badan waxay ka soo jeedaa dalka Suuriya

Arrintan ayaa imaaneyso iyadoo, Madaxweyne Obama uu teleefoon kula hadlay hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel, si uu ugu mahadceliyo waxa uu ugu yeeray hogaaminteeda latacaalidda qalalaasaha dadka megengelya doonka ah ee yurub.

War ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in si gaar ah looga hadlay in la qaabilo qaxootiga Suuriya.

Dowladda Jarmalka ayaa waxa ay sheegtay in sanadkan ay fileyso inay qaabisho 800 oo kun oo qof oo megengelya doon ah si awood loogu yeesho in xaaladda laga hortago.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Tirada dadka galaya Yurub ayaa sare u kacday

Mrs Merkel shalay waxa ay booqatay xarun ay ku jiraan dad qaxooti ah oo weerar kala kulmay xagjiriinta midigta fog.

Waxa ay cambaareysay weerarka lagu qaaday qaxootiga, waxayna sheegtay in Jarmalka uusan arrintaas oo kale u dulqaadan doonin.

Waxa ay maanta ka qeybgaleysaa shir looga hadlayo muhaajiriinta Yurub ku qulqulaya.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Midowga yurub waxa ay ka shirayaan sidii arrinta xal loogu heli lahaa

Shirkaasi waxa uu ka dhacayaa dalka Austria oo sheegaya in shuruucda dadka megengelyo doonka ah ee Yurub ay fashilmeen.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Austria, Sebastian Kurz oo la hadlay BBC, ka hor shirka waxa uu sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo dadaalka lagula tacaalayo tirada tahriibayaasha ee Yurub ku wajahan.

Dadkaasi muhaajiriinta sharcidarada ah, badankooda waxa ay ka gudbayaan dalalka la isku dhaho Balkan.