Hub kale oo magaalada Garisa lagu qabtay

Image caption Hubkan maanta la qabtay waxa uu isugu jiray hub culus iyo mid fudud

Magaalada Garisa waxaa laga helay hub kala duwan, laba maalin kaddib markii hub kaasi la mid ah laga helay isla magaalada.

Hubka maanta ay Garisa ku soo bandhigeen laamaha Amniga waxa ay sheegayaan in kan uu ka badan yahay kana awood badan yahay kii horey ay u soo qabteen.

Maxamuud Salax, oo ah xiriiriyaha arrimaha amniga ee gobolka Waqooyi bari ayaa sheegay in hubkan ay ka ogaadeen dadkii horey u u xireen.

Image caption Laba maalin ka hor ayaa hubkan lagu soo bandhigay Garissa

Waxa uu tilmaamay in hubka ay soo qabteen uu “dumin karo buundada Garisa” haddii aan la qaban lahayn. Waxa uuna tilmaamay inay baaritaanka sii wadayaan si ay amniga u sugaan.

Garisa waxaa horey uga dhacay weeraro kala duwan, kii ugu dhimashada badnaana waxaa lagu qaaday Jaamacadda Garisa, halkaas oo ay ku dhinteen in 148 qof oo ardey u badneyd.