Suuqyada Aasiya oo soo kabanaya

Lahaanshaha sawirka BBC CHINESE
Image caption Lacagta Shiinaha ee YEN ayaa aad hoos ugu dhacday isbuucan

Suuqyada sarifka ee qaaradda Aasiya ayaa markale kor u kac laga dareemayaa, kaddib markii ay aad hoos ugu dheceen horraantii isbuucan.

Arrintan hoos u dhaca ayaa waxa ay walaac gelisay koboca dhaqaalaha Shiinaha.

Waxaa arrintaasi daba socotay hormar wanaagsan oo xoog leh oo suuqyada Mareykanka ay gaareen shalay.

Faa’iidadii ugu badneyd ayay shalay ka sameeyeen dhanka sarifka taas oo noqoneyso middii ugu badneyd muddo afar sano ah.

Dadka falanqeeya arrimaha dhaqaalaha waxa ay sheegayaan in kalsoonida ay farxad gelisay markii mid ka mid ah hogaamiyayaasha federaalka ee Mareykanka uu sheegay in lacagaha dulsaarka ah aan la kordhineyn bisha soo socota.