Ardeydii ugu badneyd oo Jaamacad ka qalinjibisay

Image caption Ardeyda jaamacadda ka qalinjibiyay ayaa muddo halkaasi wax ka baranayay

Xarunta jaamicadda cammuud ee magaalada boorama waxaa ka qalin jebiyay ardeydii ugu badneyd.

Xaflad halkaasi loogu qabtay ayaana lagu gudoonsiiyay shahaadada jaamacadda.

Image caption Gabdho badan ayaa ka mid ah ardeyda jaamacadda dhammeysay

Tirada ardeyda la gudoonsiiyay shahaadada jaamicadda ee qalin jebiyay ayaa ahaa in ka badan siddeed boqol (800).

Image caption Dad kaladuwan ayaa ka qeybgalay xafladda qalinjebinta

waxa ay ardeydaasi dhameysteen kulliyado kala duwan oo jaamacaddaasi ay bixiso.

Image caption Madaxweynaha Somaliland ayaa ka mid ahaa martida lagu casuumay munaasabadda

Xafladda waxaa ay ka qayb galeen Madaxweynaha Somaliland Axmed siilaanyo, madax dhaqameed, waalidiinta, madaxda gobolka awdal iyo marti sharaf kale.