Australia oo hakisay baaritaanka Visaha

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Dowladda Australia waxay horey cadaadis u saartay dadka soo galootiga ah

Laanta ilaalada xuduudaha dalka Australia ayaa shaacisay hadal caro badan ay ka dhalatay oo ku saabsan inay viisaha dadka ay ku eegi doonaan jidadka magaalada Melbourne.

Hay’addan ayaa sheegtay in askarteeda ay dadka weydiinayaan Visaha ama sharciga dal ku galka si ay “Uga hortagaan laaluusha iyo dembiyada guud ee dalka ee ay ku lug leeyihiin dhowr shirkadood”.

Laakiin tallaabadaasi waxa ay dhalisay caro xoog leh oo ku baahday baraha bulshada, iyadoo dadka ay sheegayaan inay ka baqayaan xadgudub iyo midab kala sooc.

Booliska Victoria ayaa markaasi kaddib waxa ay sheegeen in howlgalkaasi la joojiyay.

Sidoo kale shir saxaafadeed la qaban lahaa ayaa la joojiyay, iyadoo tobannaan qof ay isugu tageen bartamaha magaalada Melbourne si ay uga hortagaan howlgalkaasi.