Wariyayaal Aljazeera oo la xukumay

Lahaanshaha sawirka
Image caption Wariyayaasha Aljazeera ee la xukumay.

Maxkamad dalka Masar ayaa ku xukuntay saddex wariyayaal oo ka tirsan Aljazeera TV saddex sanno oo xarig ah.

Dacwada Maxamed Fahmy, Peter Greste iyo Baher Maxamed ayaa lagu helay danbi ah inay sheegeen war qalad ah iyo inay caawinayeen ururka Akhwaan Muslimiinyta oo hadda la mamnuucay.

Baher Maxamed ayaa lagu xukumay lix bilood oo xarig ah oo dheeraad ah.