Dad lagu xiray Libya

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Mayd dad ku dhintay Badda.

Saddex qof oo looga shakisan yahay inay caawiyeen doon la degtay tahriibayaal ayaa lagu xiray Libya.

Doonta oo ay saarnaayeen afar boqol oo dad ayaa dagtay Khamiistii kadib markii ay ka soo baxday Zuwara, dadka ayaa ka yimid Afrika, Asiya iyo Suuriya.

Waxaa la aaminsan yahay inay dhinteen laba boqol oo qof.

Libya waxay noqotay meel ay soo maraan dadka uu tahriiba qaaradda Yurub.