Turkiga oo weeraray goobo dalka Suuriya

Lahaanshaha sawirka
Image caption Saldhiga diyaaradaha ee Incirlik ee Turkiga.

Turkiga ayaa qaaday weerarkii cirka ee ugu horeeyay ee kamid ah ciidamada isbahaysiga ee ka soo horjeeda Daacish.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa sheegay in ciidamadiisa ay bilaabeen bartilmaameedyo xuduudda Suuriya Jimcihii.

Turkiga ayaa kordhiyay dhawaan howlaha milatariga ee uu kaga soo horjeedo mintidiinta, isagoo diyaaradaha Maraykanka u ogolaaday inay isticmaalaan saldhig milatari oo u dhow xuduudda.

Maraykanka ayaa bilaabay inuu isticmaalo saldhiga Incirlik ee Turkiga horaantii bishan, isagoo sameeyay weeraro diyaaradaha aan cidna wadin.

"Diyaaradaheena dagaalka oo ay wehliyaan kuwa isbahaysiga ayaa xalay qaaday weerar Daacish la bartilmaamaystay, kuwaasoo qatar ku ah ammaanka waddankeena," Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayay ku sheegtay qoraal ay soo saartay.