Wakhtiga doorashada Masar oo lagu dhawaaqay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Masar

Gudiga doorashada ee dalka Masar ayaa ku dhawaaqay in doorashada baarlamaanka la qabandoono bisha tobnaad iyo bisha kaw iyo tobnaad ee sanadkan.

Waa codayntii u horaysay ee nooceeda ah ee dhacda mudo saddex sano ah.

Baarlamaankii u dambeeyay ee Masar oo ay Islaamiyiintu aqlabiyad ahaayen ayaa la kala diray labada-kun-iyo-labadii.

Sanad kadibna madaxwaynihii u horeeyay ee la doortay oo Islaami ahaa Maxamad Mursi ayay xukunka ka tuureen millitarigu.

Doorashada baarlamaanka Masar waxaa horay loo qorsheeyay bilawgii labada-kun-iyo-afar-iyo-tobankii balse si isdabajoog ah ayaa dib loogu dhigayay.

Madaxa gudiga sare ee doorashooyinka Masar ayaa ku dhawaaqay maalmaha doorashada.