Sacuudiga: Dab ay ku dhinteen 11 qof

Lahaanshaha sawirka none
Image caption Dhismaha gubtay ee magaalada Khobar

Masuuliyiinta Sacuudi Carabiya, ayaa sheegay dab ka kacay dhismo ay deganaayeen shaqaale u shaqeeya shirkada shidaalka ee Aramco inuu dilay ilaa kow iyo toban qof, ayna ku dhaawacmeen in kabadan laba boqol oo qof.

Shaqaalaha ayaa ka kala yimid waddamo badan. Dadka qaar ayaa dhaawacooda uu culus yahay.

Dabka ayaa ka bilawday dhismo ku yaala magaalada Khobar.

Shirkada Aramco ee Sacuudiga ayaa shaqaalaysa in ka badan konton kun oo qof.