Boliiska Thailand oo nin u xiray qarax

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Ninka lala xiriirinayo qaraxa Bangkok

Dalka Thailand nin la xiray oo lala xiriirinayo weerar qarax ee Bangkok ayaa lagu eedeeyay inuu haystay hub sharci daro ah.

Boliiska ayaa aaminsan in ninka oo labaatan iyo siddeed jir ah uu qayb ku lahaa qaraxii laba toddobaad ka hor dilay labaatan qof. Laakiin ma aaminsana inuu sameeyay qaraxa.

Boliiska ayaa hadda balaariyay baaritaanka dad kale oo la tuhunsan yahay.