Yurub oo wax ka qabanaysa tahriibayaasha

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Tahriibayaal jooga magaalada Calais ee Faransiiska.

Gudoomiyaha Yurub ee arrimaha socdaalka iyo Raiisalwasaaraha Faransiiska ayaa booqanaya xarun qaxooti, iyadoo hogaamiyayaasha Yurub ay isku dayayaan inay wax ka qabtaan dhaleecooyin loo soo jeediyay siday ula dhaqmeen qaxootiga.

Xarunta qaxootiga ee magaalada Calais ayaa siisa hoy dumarka iyo carruurta.

Toddobaadka danbe gudoomiyayaasha Yurub ayaa u safri doona Gariiga, Austraia iyo Jarmalka halkaasoo dad badan oo tahriibaya ay imanayeen.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in kabadan saddex boqol oo kun oo qof ay imaadeen Yurub sanadkan.