Al-Shabaab oo weerartay saldhigga AMISOM ee Janaale

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Al-Shabaab ayaa horey looga qabsaday magaalooyinka waaweyn balse wali maamula tuulooyin badan.

Dagaalyahanno ka tirsan xarakada Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig milatari oo ciidamada Midowga Afrika ay ku leeyihiin gobolka Shabellaha Hoose ee dalka Soomaaliya.

Al-Shabaab waxa ay sheegeen in ay jab weyn gaarsiiyeen ciidamada Midowga Afrika ee jooga deegaanka Janaale kaddib markii mid ka mid ah dagaalyahannadooda uu baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ku qarxiyay saldhiggaasi isla markaana dagaalyahanno kale ay gudaha u galeen saldhigga.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in ay arkeen ciidamada Midowga Afrika oo ka sii baxaya xeradaai balse Midowga Afrika ayaa beeniyay in ciidamadooda laga qabsaday xeradaasi milatari.

Dhamaadkii bishii June ayay ahayd markii Al-Shabaab ay weerar ku qaaday saldhig milatari oo ciidamada Midowga Afrika ay ku lahaayeen deegaanka Leego, halkaasi oo tiro ciidamo ah lagu laayay.

Weerarkani ayaa ku soo beegmay sanad kaddib markii la dilay hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab, Axmed Cabdi Godane.